Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho aya shegaya in qarax xoogan uu goor dhow ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa waxa sababay Gaari loogu xiray walxaha qarxa iyado shaqsigii watay gaarigaasi Magaciisa lagu soo koobay Carabow, kaas oo uu Gaariga kula qarxay Xaafadda Xaawo-Taako ee degmadaasi.
Wararka aya sheegaya in Wadihii Gaariga uu dhaawac culus ka soo gaaray qaraxaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen illaa 3 kale oo Gaariga la saarnaa.
Lama oga waxa uu ahaa Shaqsiga watay Gaarigaasi, balse wararka qaar ayaa sheegaya in uu ahaa Nabadoon, halka kuwa kale ay ku warramayaan in uu ahaa Dalaal.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wadajir oo ku aadan qaraxaasi.