Qarax Lagu Xiray Gaari oo Goor Dhaw Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Xaaafda Maana Booliyo,waxana la sheegay in gaarigiisa loogu xiray Nin Magaciisa lagu sheegay Cabdala Axmed Cabdala “Shiikh Nuur Codey”.

Dadka deegaanka ayaa shegay in Ninka gaariga qaraxa loogu xiray uu isla goobta ku dhintay,isla markaana uu ka mid ahaa Jaaliyadda Yaman ee ku sugan Degmada Shibis balse aan la ogeyn sababta qaraxa gaariga logu xiray.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay sheegen in Meydka haatan la geeyey Xarunta Hay’adda dambi-baarista ee CID-da,waxana goobta qaraxa uu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo howlgal baaritaano ah ka sameeyey.

Qaraxyada nuucaan ah aya kusi badanaya Magalkada Muqdisho iyado tira dhowr jeer ah uu Magalada Ka dhacay qaraxyo nuucaan ah.