Qarax labaaad oo ka dhacay Dhuusamareeb

Reading Time: < 1 minute

Wararka ugu danbeeyay ee ka imaanata Dhuusamareeb ayaa sheegaya in qarax labaad ka dhacay magaalada Dhusamareeb. Qaraxaan ayaa dhacay daqiiqado ka dib markii uu qarax hore ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug..

Sida la sheegayo qaraxa dambe ayaa la sheegay in uu ka dhacay dhabarka dambe xarunta Maxkamadda ee magaalada Dhuusamareeb, Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug ayaa  sheegtay in labada qaraxba ay ahaayeen Miinada Rumuudka laga hago.

Waxaa kaloo la sheegay in  in qaraxa labaad  uu dhaawac fudud kasoo gaaray Wiil dhalinyaro ah oo goobta marayey, waxaana la sheegay in wadada uu ka dhacay qaraxaas ay daqiiqado ka hor mareen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.

Subaxii hore ee saakay ayaa qarax dhulka lagu aasay laga soo saaray inta uusan ku qarxin dadka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb.