Qarax la soo dhigay KM4 iyo kala carar halkaa ka dhacay

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay Ciidamada Dowladda xireen Isgoyska KM4.

Aargada Isgoyska No-4 ayaa waxaa lasoo dhigay boorso weyn oo loo maleenayo in laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Ciidamada Dowladda ayaa xiray Isgoyska iyo nawaaxigiisa waxaana loo diiday dadweynaha iyo gawaarida inay isticmaalaan.

Ciidamada Dowladda ayaa hadda wado baaritaan ku aadan waxa ay tahay boorsadaan, waxaana meesha la keenay eeyo loogu talagalay in lagu baaro boorsadaan.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada Dowladda ay fashiliyeen baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo isku dayey inuu ka gudbo jid ay ciidamada ammaanka ku xireen carro.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii dambe aad u adkeysay ammaanka Muqdisho waxayna taas sabab u noqotay in laga hortago weeraro iyo qaraxyo ay fulin lahaayeen Kooxda Al-Shabaab.