Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Degmada Heliwaa (Faah-faahin)

Reading Time: < 1 minute

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Miino oo dhulka lagu aasay oo barqanimadii maanta ka dhacay Isgoyska SOS degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa ka kacay meel ay Ciidamadda booliska Dowladda fedraalka Soomaaliya ay gaadiidka ku baarayeen,waana goobta aad u mashquulsan.

Jugta qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay Xaafadaha Heliwaa ee Gobolka Banaadir,waxaana ka dhashay khasaare.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in qaraxa ay  ku dhaawacmeen 3-ruux oo shacab ah,islamarkaana loo qaaday goobaha caafimaadka.

Waxa uu sheegay in qaraxa kadib Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ay fureen rasaas balse aysan geysanin wax khasaare ah oo shacabka Soo gaaray.

Dhanka kale Dhaqdhaqaaqa isku socodka dadka iyo gaadiidka isgoyska SOS ee degmada Heliwaa ayaa hakad galay daqiiqo kooban waxaana haatan caadi kusoo laabtay xaaladda.

Magaaladda Muqdisho ayaa maalmihii dambe waxaa ka dhacay qaraxyadda dhulka lagu aaso,waxaana inta badan sheegta Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.