Qarax ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay [SAWIRO]

Reading Time: 2 minutes

Fahfaahin dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee ku dhow dhismaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, maanta oo Axad ah.

Goobjooge ku signaa meesha ay wax ka dhaceen, ayaa u sheegay warsidaha Muqdisho Online inuu arkey meydka hal ruux kaasi oo ahaa ninkii waday gaariga qarxay, oo noociisu ahaa CARIB.

Sawiro iyo muuqaal laga soo qaaday goobta waxay muujiyeen burbur kooban oo gaariga soo gaarey iyo ciidamo ka tirsan Booliska, kuwaasi oo meesha ay ka dhaceen udiidaya shacabka inay maraan.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa ka dhaw xarunta Wasaaradda Amniga ee Otto-Otto, oo Bishii July ee sanadkan ay Al-Shabaab weerar qaraxyo iyo mid toos ah ku qaadey.

 

Xerada Otto Otto waxay ka soo horjeeddaa xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna qiyaastii in ka yar hal KM u jirtaa Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia], oo amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo.

Lama xaqiijin illaa iyo haatan waxa uu ahaa shaqsiga geeryooday iyo sababta loo beegsaday inkasta oo hay’addaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo goobta tegay ay gabi ahaanba la waregeen meydkiisa.

Warar madax banaan ayaa soo jeedinaya in ruuxa la bartilmaameed-saday uu kamid ahaa mid kamid ah shaqaalaha wasaaradaha xukuumadda haatan jirta ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dhabarka saaratay masuuliyadda weerarkaan, oo qayb ka ah falalka lagu khal-khal gelinayo nabad-gelyadda caasimadda oo maalmihii udambeeyay kusoo noq-noqayay.

Bishii hore ayay ahayd markii qaraxyo lagu soo xiray gawaari oo siyaabo kala duwan uga dhacay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ay sababeen khasaarooyin xili mid kamid lagu khaarijiyay Xilldhibaan Baarlamaanka HirShabelle ka tirsan.