Qarax ayaa hadda ka dhacay magaalada muqdisho meel u dhow Xeebta liido dhanka hoteel jubba.
Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay makhaayad yar oo lagu shaaho oo ku dhow Isgooska Jubba gaar ahaan Ex Hoteel Amaana dhanka degmada Shibis. Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas.
Waxaa sidoo la sheegayaa in qofka Qaraxa geystay uu ahaa qof isku soo xiray walxaha Qarxa.
Wararka dheeraadka ee la xariira qaraxa gadaal ayaanu idinkaaga soo sheegi doonaa