Qarax Ka Dhacay Deegan Hoos Taga Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe

Reading Time: < 1 minute

Wararka anu ka heleyno Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay deegaanka Xaashooley.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu aasay dhulka iyadoo goobta qaraxa uu ka dhacayna ay hayd bar koontarool waxaana labo ka mid ah dadka ku dhintey qaraxan ay ka tirsanaayeen ciidamada milatariga halka qofka kale ee dhintayna uu ahaa rayid.

Inta badan Gobolka shabeelaha Dhexe waxa ka dhacay qaraxyo ay wadooyinka ku asaan al shabaab iyado qarax nuucaan ah uu dhawan halkasi ka dhacay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!