Qarax Ismiidamin Ah oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow qarax weyn uu ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Dadka ku nool Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland ayaa wax ay sheegeen in marqura ay maqleen jugta qaraxa,kadibna ay xigtay rasaas oo aan la ogeyn cida rideysa.

Warar kala duwan ayaa qaraxaas ka soo baxaya,waxaana wararka qaar ay sheegaayan in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi yuusuf Axmed oo uu ka socday shir looga hadlayay Amniga.

Sidoo kale waxaa warar kale ay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa ismiidaamin uuna ka dhacay Goob ay ku sugnaayeen ciidamada isku-dhafka ah ee ka howlgalla Magalada gaalkacyo,isla markana lagu weeraray taliyiha ciidamada isku-dhafka ah ee loo sameeyey amniga Magalada Gaalkacyo.