Qarax Ismiidaamin ah oo saakay lagu weraray gudaha degmada halganka

Reading Time: 2 minutes

Qof Naftii haliga ah oo kaxeeynayay gaari laga soo buuxshay waxyaabaha qarxaya ayaa isku qarxiyay degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa ismiidaaminta ah oo dhacay iyada oo lagu jiro Saaladda Subax ayaa ka dhacay aga-gaarka xaruun aay deganaayeen ciidamada Dib-u-xoreynta isla markaana dhacda Faras magaalada Halgan.

Inta la xaqiijiyay Taliyihii CID -da Saldhigga Booliska Beledweyne Jamaal Axmed Jaamac ayaa ku geeriyooday qaraxaasi waxaana dhaawac uu soo gaaray hal qof oo kamid ah ciidamada Dib-u-xoreynta.

Ma jiro wax khasaare kala ah oo ka dhashay qaraxaasi ama wax yeelo kale soo gaartay dadka shacabka ah ee Halgan deggan.

Ciidamada amniga oo gaariga qaraxa lagu fuliyay oo Noha ahaa ka arkay goob fog ayaa rasaas hugiyay taasi oo keentay in qofkii gaariga qaraxa lagu fuliyay waday uu halkiisa isku qarxiyo, isaga oo aan gaarin taliska ciidamada dowladda iyo kuwa Dib-u-xoreynta deegaanka.