Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Reading Time: < 1 minute

Jugta qarax xoogan ayaa waxaa dhowr iyo tan daqiiqo kahor laga maqlay inta degmooyinka Gobolkaan Banaadir, waxaana qaraxaas uu ka dhacay wadada aada dhinaca Afisyooni ee 21 Octoober.

Qaraxaas ayaa waxaa uu mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana gaariga oo aan weli noociisa la sheegin uu ku qarxay wadada aada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Cirka isku shareertay uuro iyo qiiq madow.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa qaraxa kadib furay rasaas xoogan, isla markaana si dhaqsi ah u gaaray goobta qarxa, sidoo kalena xiray aaga oo dhan, una diidaya inay maraan gaadiidka iyo dadka wadada.

Warar hordhac oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho uu geystay khasaaro kala duwan, in kastoo aan weli si dhab ah loo xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha jira.