Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Kismaayo iyo weerar toos ah oo socdo

0

Qarax Weyn ayaa laga Maqlay Gudaha Magaalada Kusmaayo Caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland sida ay  MOL u xaqiijyeen goobjoogayaal.

Qaraxa ayaa ka dhacay Hoteelka  loo yaqaan Cas Caseey iyo Maamuus oo ku dhow Aargada Magaalada Kismaayo.

Waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyabaaha Qarxa oo lagu dhuftay Iridda Hoteelka, waxaana xigay dagaal toos ah oo ay ku qaadeen Hoteelka Koox hubeysan.

Waxaa Magaalada laga maqlayaa rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan Ciidamadii weerarka soo qaaday iyo kuwa ka tirsan Jubbaland.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo inuu hotelka daganaa mid kamida ah musharixiinta Jubbalanad iyadoo la sheegay inay halkaas ka socdeen kulamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here