Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Awdheegle

Sida aya sheegayaan wararka ka imaanada  degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose waxa halkaas ka dhacay gor dhow ismiidaamin kaas oo loo adeegsaday  gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Wararka hordhaca ah ayaa  sheegaya in Qaraxaan ayaa lala beegsaday saldhig ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin gudaha degmada Awdheegle oo maalmo ka hor laga saaray Alshabaab waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in ay maqleen jug culus.

Dhanka kale Dad goobjoogayaal  ah oo ku sugan deegaanka Awdheegle  ayaa  sheegaya in ay halkaas ka socoto rasaas aan kala go’laheyn oo ka dhaceysa saldhig ciidamada dowladda oo ku yaalla gudaha degmada Awdheegle eegobolka Sh/hoose.

Wixii dheeraad ah gadaal ayaan idinkaaga soo sheegi doonaa 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here