Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay agagaarka isgooska Ceelgaabta ee Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goor dhow ka dhacay agagaarka isgooska Ceelgaabta ee Muqdisho.

Dad ka ag dhaw goobta qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxa inkastoo weli aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Dhawaaqa rasaasta ayaa la maqalayaa, iyada oo la xiray isku socodka dadka iyo gaadiidka ee isgooska.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waa isgoos uu ku yaalo bar kontrool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, waxaa inta badan halkaas isticmaala madaxda ugu sareysa dalka

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!