Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Dhuusamareeb

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya magalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Sida la sheegayo ruux is-miidaamiyey ayaa isku qarxiyey maqaaxi ku taalla kasoo horjeedka Madaxtooyada magaalada Dhuusamareeb ee Inji.

Dhwaaqa qaraxa ayaa waxaa la sheegay in laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada oo dhan ,isla markaana waxaa uu sigaar ah uga dhacay goob Maqaayad ah oo ay fariisan jireen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Siyaasiyiinta.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhintay labo qof ayuu dhaawac kasoo gaaray qaraxaas, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu marayey waddo hor marta maqaaxida uu ruuxaas isku qarxiyey.