Qarax Galaaftay Nolosha Dad Shacab Ah oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho aya shegaya in Qarax uu ka dhacay degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa nuuciisa ahaa Miino dhulka lagu aaso, waxaana uu qabsaday Gaari Dheyno ah oo wadada marayay, kaasi oo la shegay in ay saarnaayeen dad safar ah.

Guddoomiyaha Waaxda Cumar Fiyaasko ee degmada Kaxda Sakariye C/laahi Cilmi oo Qaraxan uu Waaxdiisa ka dhacay ayaa inoo sheegay in Qaraxan ay ku dhaawacmeen ilaa laba qof oo ka mid ah dad safar ah oo saarnaa gaariga qaraxa uu qabsaday.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ciidanka ammaanka ay ku daba jiraan raggii falkan ka dambeeyay oo uu sheegay in ay a tirsan yihiin xoogaga ururka Al-shabaab, gacantana ay ku soo dhigi doonaan.