Qarax Gaari Oo Lagu Weeraray Xarunta Degmada Hodan

Reading Time: < 1 minute

Qarax ayaa lagu weeraray Xarunta Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo dadka degaanka ah.

Lama oga Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaan lagu weeraray Xarunta Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, balse xilliga qaraxa uu dhacaayay ayaa shaqooyinkii maalinlaha ahaa waxa ay ka socdeen Xarunta Degmada.

Burbur xooggan ayaa soo gaaray xarunta degmada Hodan Waxaana goobta laga qaaday Meydad iyo dhaawacyo.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo dad dhaawacyo ah laga daadgureeyay.

Wixii kusoo kordha kala soco  Halkan