Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Oo Qasaare Kala Duwan Uu Ka Dhasahay

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo khaasaro geystay kaas oo Goordhow ka dhacay Ex-Koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho,waxaana la sheegay in uu geystay.

Gaarigaan qarxay oo ahaa nooca raaxada ah ayaa la sheegay in miinada lagu xiray,isla markaana uu lahaa masuul ka tirsan Maamulka Galmudug oo aan weli la shaacin Magaciisa iyo masuuliyada uu ka haayo.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo saarnaa gaariga ayaa qaraxaasi ku dhaawacantay,waxana goobta qaraxa ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.