Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Degmada Hodon

Reading Time: < 1 minute

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay halka saddex kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii qarax uu ka dhacay Isgoyska BlackSea ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay laanta Sharikadda SOMTEL ku leedahay Isgoyska Blacksea waxaana ku dhintay labo qof.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in mid ka mid ah labada qof ee dhintay uu ahaa shaqaalaha sharikadda, halka qofka kalena rayid ahaa.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ay ciidamada ku baaraan Gaadiidka aada dhinaca Cirtoogte,halkaas oo ku dhow dhismaha SOMTEL ee BlackSea.

Ciidamada ku sugnaa goobta iyo dadka degaanka ayaa qaaday saddexda qof ee ku dhaawacantay qaraxa ka dhacay Jidka Soddonka ee Magaalada Muqdisho.