Qarax dad Muslimiin ah lagu Dilay oo ka Dhacay Hiiran.

Reading Time: < 1 minute

Wararka laga helayo Gobolka ahaa sheegayo inuu halkans ka dhacay Qarax ay dad muslimiin ah ku dhinteen, tan oo beryahanba ku soo badaneysay Gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyey 3 ruux  oo muslim ah ayaa ku dhimatay 3 kale oo ashahaadanayana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii gaari NOHO ah oo ay saarnaayeen Qarax Miino kula kacday Duleedka deegaanka Qabno oo ka tirsan Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dadka Somaliyeed waxay la yaabaan yihiin maadaama ay Muslimiin yihiin sababta uu mid muslinimo sheeganayo uu u dilayo, waana fajacisada haysata dadka Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan, tan oo suurad xumeyneysa Muslimiinta dhammaantood.

Dhaawaca saddexda qof ayaa loo qaaday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, si diyaarad loogu soo qaado magaalada Muqdisho oo loogi dabiibo xaaladooda caafimaad.

Gaariga Miinada la kacday ayaa kamid ah Kolonyo gaadiid ah oo la socday Gudoomiyaha Gobolka Hiiaan Cali Jeeyte Cismaan iyo Saraakiisha Qeeybta 27aad oo howlgal ka wado inta udhaxeeyso Baladweyne iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan Mudooyinkii danbe.