Qarax culus oo khasaare geystay oo ka dhacay degmada Buurhakaba, gobolka Bay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa qaran culus ka dhacay degmada Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Baay, qaraxa ayaa la sheegayaa lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo ka dhacay  Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan maamulka degmadaas, waxaana soo gaaray khasaare kala duwan.

Warka naga soo gaarayo Buurhakaba ayaa intaas ku daraya  in weerarkan qaraxaan uu ku dhaawacmeen taliyaha NISA ee degmada Buurhakaba, Xuseen Dhuubow, guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmadaas Nuurow Ibraahim iyo askar kale oo la socotay, xilliga uu dhacayey weerarka qaraxa ah.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa sidoo kale gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Buurhakaba ee gobolka Baay. Weli maamulka Koonfur Galbeed faah faahin kama bixin qaraxaas, balse mas’uuliyiinta ay dhaawacyada soo gaareen ayaa la dhigay goobaha caafimaadka ee degmadaasi.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!