Qarax caawa ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo waxyeelo kasoo gaartay  Ex-Xildhibaan Macalin Nuur Xasan Ibraahim

Reading Time: < 1 minute

Warar kala duwan ayaa laga helayaa qarax lagu weeraray hoyga Xildhibaan hore Maxamed Khayr Hiiraale oo ka tirsanaa baarlamaankii KMG-ka ahaa.

Qaraxa ayaa ka dhacay xaafada Wadajir ee gudaha degmada Baydhabo ee Xarunta KMG Koofur galbeed.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay Macalin Nuur Xasan Ibraahim Xildhibaan katirsanaa Baarlamaankii KMG-ka ahaa ee Dowladdii Shariif Sheekh Axmed, waxaa sido kale kamid ah dadka dhaawacmay Nabadoon Maxamed Aadan Nuurow, oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed.

Xildhibaan hore Maxamed Khayr Hiiraale oo lahaa guriga la weeraray ayaa lagu soo waramayaa in aysan jirin waxyeelo kasoo gaartay qaraxa lagu weeraray gurigiisa ku yaal Xaafada Wadajir ee Baydhabo.

Laamaha amaanka Baydhabo ayaa goobta gaaray kuwaa oo halkaasi ka qaaday dhaawacyada 3 Qof.