Iyada oo maalin maalinta ka danbeeysa ay beesha caalamku ka sii aamin baxayso xukuumadda Xassan Cali Kheyre ayaa Hay’adda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Kormeedka iyo cunaqabataynta Soomaaliya , ayaa baaritaan socday mudo sagaal bilood ku dhaw ku ogaatay in Dowladda Soomaaliya ku xadgudubtay heshiiskii xakameynta hubka soo gala Soomaaliya . Warsidaha MOL oo heshay nuqul hordhac oo ka mida warbixnta sanadlaha ay hay’adda UNMG ka qortay Soomaaliya ayaa si cad loogu qeexayaa in Soomaliya dib loogu celiyo xayiraad Buuxda ee hubka soo gala Soomaaliya. Arintaan ayaa loo sababeeynayaa qorshaha sida tuugada ah ee RW Kheyre hubka u soo gato iyo isla markaana aan la ogaynin meesha hubkaas ku danbeeyay.
Waxaa nasiib xumo ah in dowladda Farmaajo ay dib ugu celiso Soomaaliya xayiraada hubka oo dhib badan laga soo maray in laga qaado. Su’aashu la iswaydiinaya ayaa ah ilaa intee ayaa Soomaaliya u dulqadan kartaa hogaanka qar iska tuurka ah ee RW Kheyre.