Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Ururka Daacish uu dagaalamayaal shisheeye ku daabulayo Soomaaliya, islamarkaana ururka xoogiisa uu hada ka howlgalo Gobolka Bari ee Soomaaliya.
Warbixinta Qaramada Midoobe ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday in Daacish ay qoranayaan Dagaalamayaal Ajaanib ah, kuwaas oo ka soo cararaya cadaadis militari oo ku qabsaday dalalka Ciraaq, Siiriya iyo meelo kale
“Ururka Daacish Hadda si muuqata ayuu u kordhayaa waxaa uu ka batay 2016kii oo uu ahaa wax ka yar 12 waxaa uuna gaaray 200” ayey QM ku sheegtay warbixin ay soo saartay.
Ururka oo hadda khatar muuqata ku ah Maamulka gobolka Bari ee puntland ayaa lagu yiri qoraalka Qaramada midoobe.
QM ayaa waxaa ay sheegtay in bartilmaameedka ugu weyn Daacish ee xilligan uu yahay sidii ay Al-shabaab ugala wareegi lahaayeen koofurta Soomaliya, iyagoo Dad badan ka qoraya.