Qaramada Midoobay oo Soomaaliya u soo magacaawday shaqsi aqoon fiican u leh Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu  maalintii doraad ahayd u gudbiyay Golaha Amaanka shaqsiga uu doonayo in uu wakiil uga noqda dalka Soomaaliya. António Guterre ayaa soo magacaabay James Swan oo horey u ahaan jiray safiirka ama wasiirka Maraykanka ee Soomaaliya

James ayaa ah shaqsi aqoon fiican u leh  Soomaaliya horayna safiir uga soo noqday dalalka Jabuuti, Congo iyo Rwanda. Swan oo hadda ah diplomaasi madax banaan ayaa horey wuxuu safiir uga soo noqday dalalka Jabuuti iyo Kongo.

Sidoo kale, Swan ayaa ahaa safiirkii ka shaqeeyey soo celinta xiriirkii rasmiga ahaa ee Soomaaliya iyo Maraykanka isaga oo ka shaqeeyey in madaxweyne Xasan Sheekh la geeyo aqalka cad.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa maalmihii ugu dambeeyey wuxuu si aad ah u baadigoobayey shaqsi Saddex arrin kulansaday oo uu xilkaan u magacaabo, kuwaa oo kala ah:

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee QM u adeegsatay PNG, taasi oo ka carreysiisay Qaramada Midoobay. Xulashada la soo xushay James Swan ayaa ah mid ka tarjumeysa in Qarmaada Midoobay doonayso in ay si la xisaabtanto hogaanka Farmaajo. James ma aha qof been laga ibiin karo ama logos tarjumayo xaqiiqda ka jirta Soomaaliya.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Golaha amaanka ansaxin doonaan magacaabista James Swan.