Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ku sii adkeysay Cunaqabateynta iyo Codsigii Soomaaliya oo dhaga laga fureeysaty

Reading Time: < 1 minute

Kulankii maaliinta Abacadda ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa waxaa dib loogu cusbooneysiiyay cunaqabatayntii iyo baaritaankii saarnaa  Soomaaliya. Si loo xaqiijiyo in cunaqabateynt sii saarnaato Soomaaliya laakiin ay u yaraato dhaqaalaha lagu bixixuo gudiga dabgalka ayaa waxa Qaramada Midoobay  magacaawaday gudi lloo bixiyay  Kooxda taqasususka ee baaritaanka Soomaaliya (Panel of Expert) kuwaas  oo la siiyay awood ka balaaran tii gudiga baaritaanka iyo cunaqabateynta.

Kulankaii Maalintii Arabacadda ayaa waxaa marnaba aan lagu soo hadal qaadin ka qaaditaanka cunaqabateynta Soomaaliya halka dhamaan wadamada xubnaha ka ah galaha amniga  ee qaramada midoobay ay u hadleen dowladda Eritereeya iyaga oo ku baaqaya in Eritereeya laga qaado Cunaqateynta.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!