Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan dhanka caruurta UNICEF ayaa sheegtay in Somalia ay kamid tahay wadamada ugu halista badan ay caruurtu ku dhashaan.
Somalia ayaa waxaa lagu daray liiska 4 wadan oo kamid ah wadamada ugu halista badan ay caruurtu ku dhashaan, wadamada ay kamid yihiin, Lesotho, Guinea-Bissau iyo, South Sudan 26’kii cunug oo ku dhasho mid kamid ah ayaa geeriyooda, kahor sanad guuradiisa dhalasho.
Hay’adda ayaa ku waramayso in Somalia ay ka wanaagsan tahay, wadamada ay kamidka yihiin, Pakistan, Central African Republic iyo Afghanistan, wadamadaas oo ay hay’addu ku sheegtay in ay yihiin wadamada ugu xun ay caruurtu ku dhashaan.
Hay’adda Unicef ayaa sidoo kale sheegtay, in 80, boqolkiiba caruurta dhalato dhibaatooyinka ugu badan ee soo wajaha ay yihiin, nafaqo daro, fayo dhowr la’aan iyo caruurta badankood oo aanan awood u lahayn in ay helaan biyo nadiif ah.
Warbixintan ayaa ku waramayso in ay aad u tira badan yihiin xaaladaha qatarta ah ee soo wajaha caruurta ku nool dunida daafaheeda, ayadoona hay’addu hoosta ka qaxariiqday in wadanka ugu wanaagsan ay caruurtu ku dhashaan uu yahay wadanka Japan halka wadanka ugu xunna lagu sheegay dalka Pakistan.