Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in kumannaan qof ay ka qaxeen dagaallada iyo ammaan-darrada ka jirta magaalada khilaafku ka taagan ee Laascaanood.
Lixdan kun oo qof ayaa la soo sheegayaa in ay u gudbeen xuduudka Itoobbiya, toddobaadyadii la soo dhaafay. Wakaaladu waxay sheegtay in qaar badan ay yimaadeen iyagoo daalan oo anfariirsan, watana hantiyo kooban.
Si guud Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ka badan 185-kun ay ku barokaceen aagga Laascaanood. Dagaallada ayaa horaantii bishan ka dhex qarxay ciidammo deegaanka iyo kuwa Somaliland.