Qaramada Midoobay oo markale ku baaqday in dadkii xasuuqa ka geystay Baydhabo sharciga la horkeeno

Reading Time: 2 minutes

Dowlada Federaalka oo horay loogu eedeeyay in ay ka danbeeysay xasuuqii ka dhacay magalaada Baydhabo dabayaqadii sanadkii hore kaas oo lagu dilay dad shacab ah ayaa mar kale Qarmada Midbooday ku baaqday in sharciga la horekeeno dadkii ka danbeeyay xasuuqaas.

Xukuumada uu hogaamiyo Xassan Cali Kheyre ayaa isku dayday in ay ka dhaadhiciso Madaxda UNSOM in laga heshiiyay dhibkii ka dhacay magaalada Baydhabo laakiin waa lagu gacan seyray. Qaraarkii dhawaan ka soo baxay Golaha Amaanka ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay iyo hay’adahooda u qaabilsan Arimaha Xuquuqul Insaanka ay dardar galin doonaan baaritaanka xasuuqii ka dhacay Baydhabo.

Dowlada Soomaaliya ayaa markale asbuucaan qoraal ay u dirtay Golaha Amnaanka kaas oo ay k sheegtay in  Soomaaliya ayan u baahnaynin qubaro baarto tacadiyada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed ee ka dhacayo dalka Soomaaliya. Qoraalka DFS  ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay qabto hay’ado “madax banaan” oo aqoon u leh in ay sameeyaan baaritaan madax banaan.

Qaramada Midoobay ayaa ay ka go’an tahay in ay magacaabaan dadkii ka danbeeyay xasuuqii Baydhabo isla markaana maxkamad caalami ah la soo taago. Xukuumada Kheyre ayaa in mudo ah ku faaneeysay in ay dalka ka ceyrisay Wakiilka Gaarka ah ee X/Guud  Qaramada Midobay Nicholas Heysom ka dib markii uu ka hadlay xasuuqii Baydhabo. Qarmada Midoobay ayaan si fudud u ilaabi doonin dagaalka siyaasadeed ee uu Farmaajo iyo koxdiisa ku qaadeen Qarmada Midoobay.

Dhanka kala aqoonyano ka soo jeeda Baalaha Digil iyo Mirrifle ayaa iyagana qareeno u qabtay dadkii lagu  xasuuqay magaalada Baydhabo. Dacawadaas ayaa meel fincan mareysa iyada oo qaar ka mida Mas’uuiyiinta dowlada Soomaaliya oo uu u horeeyo Wasiir Ducaale  Maxkamad looga yeeri doono.

Dhanka kale waxaa nasuub xumo ah in dowlada Soomaaliya waraaq u qorto Qaramada Midoobay oo ay ku beenayneyso xasuuqii Baydhabo, waxaana taa ka sii daran in Gudoomiyihii Baarlamaanka  Maxamed Mursal oo ah qofka labaad ee ugu awooda badan dalka Soomaaliya in uu raali ku yahay in dowladii uu isaga ka tirsanaa ay ka been abuurto xasuuqii lagu gumaaday dadka uu isagu  wakiilka uga yahay dowlada.

[pdf-embedder url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2019/04/S_2019_251_E.pdf”]