Iyada oo dhawaan uu Golaha Amaanka dhageystay warbixintii Xoghayaha Guud ee Qaramad Midoobay ee la xiriirtay arimaha Soomaaliya iyo warbixintii ay gudiga taqasuska Soomaaliya (Somalia’of Pernel Exters) taas oo lagu eedeeyay Dowlada Farmaajo musuq-maasuq baahay iyo ku xadgudubka xuquuqada aadanaha, ayaa waxaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay sida wadajira iskula garteen kordhinta cunaqabateynta qaybaha kala duwan ee saaran dalka Soomaaliya.
Arimaha looga hadlayo Soomaaliya ayaa waxa xiriirinteeda gaarka ah iska leh dalka Ingiriiska oo ay ka go’an tahay in maxkamad la soo taago dadkii ka danbeeyay xasuuqii ka dhacay Baydhabo iyo Muqdisho.
Dabayaaqaaadii bishii Oktoobar ee Sanadkan ayaa waxaa Golaha Amaanka waxa ay warbixin ka dhagaysateen danjiraha dalka Belgium u fadhiya Qaramada Midoobay, Marc Pecsteen de Buytswerve oo ah Guddoomiyaha Guddiga Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya. Dhanka kale waxaa isla kulankaas warbixin ka akhriyay Wakiilka Dowladda UK oo hadda ah dowladda heysa qalinka Soomaaliya marka la joogo Golaha Ammaanka.
Dhanka kale Dowladaha France, Germany, UK iyo Mareykanka ayaa ayaa dhankoooda ku eedeyaya Dowladda Soomaaliya intii uu socday kulankii 25-kii Oktoobar gafaf badan ka gaysteen dalka Soomaaliya intii ay xukunka hayeen.
Iyada oo la tixgalinaya eedeeymaha lagu soo oogay dowlada Farmaajo iyo khatark ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Geeska Afrika ayaa qaraar cusub oo horyaalo Qaramada Midoobay waxaa lagu sii xoojin doonaa mamnuucistii saarneyd dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, soo iibsashada hubka waaweyn oo ay ku jiraan madaafiicda, waxyaabaha qarxa iyo lidka diyaaradaha, Hubka fudud oo ay ku jiraan qoryaha gacanta lagu qaato.
https://www.un.org/press/en/2019/sc13996.doc.htm