Qamrigii ugu badnaa ee soo gala Puntland oo la burburiyay

Reading Time: < 1 minute

Mas’uuliyiinta degmada Garoowe, oo ay weheliyaan saraakiisha Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe ku burburiyay shan boqol iyo afar dhalo oo khamri ah. Khamrigan ayaa lagu qabtay hawlgal Booliisku ka sameeyay tuulada Kalabayr oo ka tirsan Gobolka Nugaal, islamarkaana qiyaastii 60km dhanka koonfureed kaga beegan Garoowe.

Saraakiisha ayaa sheegay in Khamrigan oo lagu siday gaari Maarked ah ay ku soo wargeliyeen bulshada ku nool Kalabayr, kadibna sidaas Booliisku ku soo qabteen. Shakhsigii gaariga waday oo Booliiska ka cararay ayaan weli gacanta lagu dhigin, sida ay sheegeen saraakiishaas.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!