Qalbi Dhagax Oo Lagu Soodhaweeyay Magaalada Dhuusa-mareeb Ee Xarunta Maamulka Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa Saakay gaaray wefdi uu hogaaminayo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Madaxda Jabhadda ONLF waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Maaamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ee Magaalada Dhuusa-mareeb.

Soo dhaweyn kadib hadal kooban uu qalbi dhagax uu Warbaahinta uu siiyay ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu gaaro dhuusa mareeb isagona ugu mahad celiyay shacabka reer dhuusa mareeb sida soomaalinimada leh ee ay u soo dhaweyeen.
lama oga ilaa iyo haatan ujeedada safarka qalbi dhagax walow la filayo inuu kulamo kala duwan uu la qaato madaxda, daayasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee maamulka galmudug.