Qalbi Dhagax oo diiday in uu ku dhoofo baasaboor Itooobiyaan ah 

Reading Time: < 1 minute

Ka dib markii uu xuriyadiisa dib u helay Mudane Cabdikarin Shiikh Qalbi Dhagax oo mudo dhowr bilood ah ku xirnaa xabsi ku yaal dalka  Itoobiya ayaa waxaa dowlad Itoobiya damacday in ay ku soo dhoofiso baasaboor Itoobiyaan ah laakiin waa uu kou gacan seeray. 

Waxa uu yiri “Waxa aan ahay muwaadin soomaali waxaana ku dhoofayaa oo kaliya baasaboor soomaali ah”. Waxaa maanta lagu soo dhoofay waraaqda ku meel gaarka ah ee loo yaqaan “go home”. Caawana Waxa uu joogaa magaalada Nairobi isaga oo ku sii wajahan Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Kismanyo oo soo dhawayn wayn loogu sameeyn doono.