Reading Time: 3 minutes
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
176 days
18 hours
05 minutes
49 seconds
Maalintii nala doortay illaa maanta waxa aan ku haynaa Shacabka! Xiriirka Shacabka & dowladda waa in la xoojiyo! waa in  awoodda Shacabka lagu celiyo! oo Shacabkii waa kicinay! Laabtoodii waa kicinay! Waxa ay aaminsan yihiin in ay aadayaan doorasho toos ah! bacdamaa wax Alla wixii doorasho ahaa oo la yaqaanay horay loosoo maray, Baarlamaankii sida la sheegayo iyaga oo ka cararaya madaxweynayaashii ayay waxa ay ay keeneen mid runtii xitaa aan la garanayn in ay ku soo noqonayaan dhammaantood, Laakiin shacabka ayaa heli doonaan Fursad, dalkeenu waxa uu heli doonaa in l ayiraahdo Soomaaliya waxa ay u gudubtay dimoqraadiyad, Baarlamaankii oo leh Sharci baan diyaarinay oo waa qaban karnaa doorasho, guddigii doorashooyinka oo leh doorasho waa qaban karnaa bacdamaa ay soo shaqqeynayeen muddo & Walaalaheey (Dowlad-goboleedyada) oo leh ma joogtaa xaaladda lagu qaban lahaa howshaas! Anigu haddaba Baarlamaankii ayaan dib ugu noqonayaa, waxa aan ku soo wargelinayaa wixii aan ku sheekeysanay saaxiibadey…..”.

 

Hadalkaasi waxa uu kamid ahaa Khudbaddii July 22, 2020 Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyey Shirkii Wadatashiga DG & Xukuumadda dhexe ee kadhacay Dhuusamareeb, waxa uu hordhac u ahaa 5 tallaabo oo muujisay in MW Farmaajo dadaal weyn ugu jiro sidii loo kordhin lahaa muddo-xileedka madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Haddaba haddii aan dib u eegno dhacdooyin is daba yaal ah oo muujinaya in MW Farmaajo aanu diyaar u ahayn doorasho, ee waxa kaliya uu rabo ay tahay Muddo kororsi sharci darro ah si marlabaad dib loogu soo doorto, aan isla fiirino shantaan qodob.

  1. July 22, 2020 Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in uu golaha shacabka kula noqonayo wixii ay ku wada sheekeysteen isaga iyo saaxiibadii, (dowlad-goboleedyada)
  2. July 25, 2020 Guddoonka golaha shacabku waxa uu fadhigii golaha ee maalinkaas si fowdo iyo buuq ah uga sheegay in xukuumaddii dhacday kuna fashilantay howshii loo igmaday! sidaas awgeedna ay farayaan madaxweyanha in uu soo magacaabo raisalwasaare Waddanka gaarsiiya doorasho.
  3. MW Farmaajo ayaa si halhaleel u shaaciyey in uu aqbalay go’aankii fowdada ku dhisnaa ee guddoonka golaha shacabku kusoosaaray Natiijo aan xitaa xeer-hoosaadka golaha waafaqsanayn, madaxweynaha oo warkiisa lagu faafiyey bogga Facebook ee Villa Somalia ayaa yiri: “Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.”
  4. Xukuumaddii weysay Kalsoonida golaha shacabku waxa ay 30-July-2020 billowday in ay magacowdo qayb kamid ah guddiga adeegga garsoorka, taas oo ka dhigan in iyada oo aan haysan Kalsooni Baarlamaan ay maamuleyso howlo dastuur ahaan ka reebban, garyaqaan Daahir M. Cali xog-hayaha ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa yiri: “Ugu horrayntii golaha wasiirradu waxa uu soo jeedin karaa 3 Xubnood oo ka mid noqonaaya golaha adeegga garsoorka,  labada kale waxaa soo magacaabaaya ururka qareennada Soomaaliyeed, sida ay qabto  farqadda labaad ee qoddobka Qodobka 109A ee Dastuurka-KMG,  sidoo kale Xarafka E farqadda 1aad ee Qodobka 6aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka sharci Lambar 28 soona baxay 8/7/2014 waxa ay u qorantahay sidaan:- “Labo Qareen Sare oo xubin ka ah Ururka Qareennada Soomaaliyeed uu soo magacaabay Golaha Qareenada Soomaliyeed oo xilka haynaya muddo afar Sano ah…..” sidaas awgeed waxaa cad oo aan shaki ku jirin in golaha wasiirradda ee xilka siihaya uu magacaabay xubno aan Dastuurka iyo Sharcigu midna aysan siin magacabistooda.
  5. 30-July-2020 Sida ay Mustaqbal u sheegeen xubno ku dhow xafiiska sii hayaha xilka Raisalwasaaraha agaasimihii xiriirka & Warbaahinta ee Xafiiska Raisalwasaaraha ayaa ka tegey shaqada kaddib markii lagu wargeliyey in looga baahan yahay la qabsiga iyo fahamka isbeddelka ku dhacay xafiiska, sidaas awgeedna ay tahay in fuliyo dhowr shaqo oo ay kamid yihiin:-

Sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay MOL u xaqiijiyeen waxaa maalinta Isniinta ay Bisha Ogoosto tahay 3, 2020 la hor geyn doonaa Guddiga Adeegga Garsoorka oo shalay si sharicga baal marsan ay Golaha Wasiirada aan haysan kalsoonida Baarlabaanka ay ku ansixiyeen shirkii golaha wasiirada ee Khamiislaha.

Fahad Yasin, ayaa qorsheynaya in Guddiga cusub ee Garsoorka ay noqdaan Maxkamadda Dastuuriga ah iyadoo laga rabo in aay ansixiyaan muddo kororsi laba sano ah oo uu Golaha Baarlabaanka gacantaag ku ansixin doona ka hor shirka Dhuuso Mareeb 3, iyo ka hor inta aan lagu dhawaaqin Ra’isul Wasaaraha cusub ee lagu wado in uu soo magacaabo MW Farmaajo.

Ujeedka Fahad & Farmaajo ayaa ah in ay dhaqan geliyaan in dalka ay ka dhaceyso doorasho qof & cod ah bisha Febraayo ee sanadka 2023, taasoo ka dhigeysa muddo xileedka MW Farmaajo lix (6) sano.

Arrintan ayaa keeni doonto dagaal siyaasadeed kii ugu qaraaraa oo ka yimaada dowlad goboleedyada iyo Madasha Xisbiyada, waxaana loo badinayaa saadaashu in aay noqoto

  1. In MW Farmaajo & Fahad ay ku guuleystaan muddo kororsiga ay rabaan si loo qabto doorasho qof & cod ah oo aanan shaki ku jirin in muddo 4 sano dib loogu dooran doono MW Farmaajo. AMA
  2. In iska caabin xoog leh ay sameeyaan DG iyo Madasha Xisbiyada, taasna ay qasab ku noqoto in uu MW Farmaajo is casilo ka hor inta aan doorasho la qaban.