Qadar oo Lagu Dagaayo Qorsho Halis Ku Ah Shacabka Soomaaliyed Iyo Iiraan oo Ciidan Keeneysa Dalka

Reading Time: < 1 minute

Sida ay daabaceen warbaahinta carabta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu kula kulmo dalka Qatar saraakiil dhanka milleteriga ah oo ka socda dwoladda Iiraan.

Warbahinta Carabta aya sheegay in kulan afar geesood ah oo u dhaxeeya dalalka Turkiga, Qatar, Iiran, iyo soomaaliya uu ku dhici doono maanta oo isniin ah magaalada Doxa.

Waxa ay sido kale shegayn in saraakiisha ka socoto dowladda Iiraan ay u bandhigi doonaan Farmaajo khariirad la xariirto qorshe ay Iiraan ku keenayaan ciidamadoda Soomaaliya.

Iiran ayaa qorsheyneysa ciidama ka tirsan ilaalada kacdoonka Iiran iyo askar kale oo Iiraaniyiin ah in lageeyo xeebaha Soomaaliya si ay u la socdaan maraakiibta isaga goosheysa badda Soomaaliya.

Bilihii ugu dambeeyay ayaa waxaa jirtay in maamulka Farmaajo uu aad ugu sii dhawaanayay Dowladda Iiran oo iyada damac weyn kaga jiro in fikirka shiicada ay ku faafiso dhulka Soomaaliya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!