Qadar iyo Sacuudiga oo Marti-qaadyo isku diray Xili khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyo

Reading Time: < 1 minute

Qoraal ka soo baxay xafiiska boqortooyada dalka Qadar ayaa laagu yiri “Waxaan ka helnay martiqaad ka timid Sacuudi Carabiya si  aan uga qeyb gaalno kulamada xaaladaha degdegga ah ee Gacanka iyo kan Carabta ee ka dhacaya  magaalada baraakewysan ee  Maka.

Qadar ayaa  muddo laba sano ah waxay ka soo horjeedeen  isla markaana uu khilaaf kaga dhaaxeeyaay wadamada Sacuudi Carabiya, Bahrain, Imaaraadka Carabta iyo Masar.

Afartan dal ayaa ku soo rogay Dowladda  Qadar cunaqabateyn dhaqaale iyo xayiraad diblomaasiyadeed oo soo bilowday  bishii Juun 2017 kadib markii Dowladahaasi ay Qadar ku tuhumeen inay  taageerto falalka  argagixisanimada iyo xiriirka xooggan ee Iran, taas oo Doha marar badan ay beenisay inay aarrintaas ku lug leedaahay.

Sacuudi Carabiya ayaa ku  baaqday Shirkan  in lagu qabto magaalada Maka 30-ka  bishan si looga wada hadlo weerarrada diyaaradaha Sacuudi Carabiya, iyo sidoo kale weerarraatrki i dagaalyahaanada Xuutiyiinta  ay ku qaadeen afar markab, oo ay ku jiraan laba booyadood oo Saudi Arabia leedahay oo  marayey xeebaha ka baxsan xeebta dalka Imaaraadka Caraabta toddobaadkii hore .

Bayanaan  ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Qadar ayaa lagu sheegay  in Amiir Tamiim Bin Xamad  uu  yiri “Martiqaad rasmi ah ayaan ka helnay Boqorka Sacuudiga Boqor Salman  Abdalla Bin abdulcasiis ee ku saabsan ka qeyb galka Shirka.