Qabkii uu sheegi jiaray Siyaad Barre & Kan Farmanjo waa isku mid.

Reading Time: 2 minutes

Maxamed Siyaad waxaa uu oran jiray waxaan nahay bulsho horumartay oo qab iy Sharaf leh, kana wanaagsan deriskeeda sida Kenya iyo Itoobiya. Haddan ka wanaagsaneyn jidkii aynu haynaysa uu ka fiicanaa Maxaan maanta ugu dambeynay inuu isagana musqul ku dhex dhinto oo aan calanka buluuga ah lagu duubin, qabuuraha qarankana lagu aasin, annagana aan ilaa manta la liidanno wixii uu nagu falay? Waxasa nooga daran inuu waliba hadda nagu soo baxay mid sidii sii u fekeraya oo ku leh anigaa qabkii soo celinayaa kaas Qab ma ahayn ee wuxuu ahaa qabuuro qod qardajeex ah oo meel xun ku soo dhamaday.

Goormaan qab lahayn weligeen waxaan ahayn dal dagaal u joog ah oo aan marnaba ka fekerin mustaqbal dheer. Qorshaha qarankeennu ee ugu badan ee uu dalkeennu yeesho wuxuu ahaa 5 sano, iyadoo shan sano dal ay tahay shan maalmood, waayo hal qorshe oo guuleystay ma jirin, mana la sameyn Karin mid ka fog oo 10 sano ama 20 sano ah maadama kii ka yaraa uu guuldarro ku dhamaanayey.

Waxaad dib u fiirisaa Maxamed siyaad Barre iyo wixii uu kacaanka dadka ku kicin jiray iyo waxa maanta uu Farmajo isticmaalay sida:

Qab been ah. Ciidan loo dhisay in lagu burburiyo umadda Somaliyeed sida Gobolladii waqooyi, Hargeysa, Burco, Berber iwm. Maanta ciidanka Haramcad, Duufaan, Bac ka sii, Gorgor iwm ma qabtaan hawlaha ay ku magacaaban yihiin oo waxay dalka kaga xoreyn karaan shabaab bilo tirsan. Laakiin looma jihayn ee waxaa loo jiheeyey inay shabaab u fududeeyaan inay dekadda iyo Airporka ka qataan Canshuuro joogto ah, iyagana gaardi iyo gaado ciyaar maalint ala rabo la soo safo inta kalana aan wax hawl macno leh loo dirsan.

Waxaad qab leedahay marka aad dadkaaga waxa ay cunaan iyo nolashooda aad kor u qaadid oo aysan bulshooyin kale baryin, ogow dalkeenna weligiiis mucaawino ayaa la keeni jiray iyadoo aan la hayn ciidan tira badan oo bacaad ku baa’ay una shuuqay sidii kubad la hawo bixiyey ama xumbo dabeyl heshay.

Wa kee qabka aad sheegan kartaan Farmajo iyo kuwa la socdow marka askariga ku ilaaliyaa mushaarkiisa ay cid kale bixiso. Marka nalka kuu shidan karashkiisa ay cid kale bixiso. Marka dayuuradda aad raaceyso ay ijaarkedda cid kale kaa bixiso? Runtii waa ayaan darro ku raagtay dad badan oo aan baraha bulshada ku arkay oo ku leh Farmajo qabkii ayuu soo celiyey. Sooma celine ceel ayuu ku sii riday, haddii ay jireen wax yar oo dhinaca diinta Islaamka nooga soo duxay, iyadiina waxa helay wadaaddo dan ley ah.

Waxaa uu eryey Wakiilkii Xogahaya guud ee Qaramada midoobay oo ahaa qofka ugu mudan beesha caalamka ee inala joogta,  hasa yeeshee mushaarka shaqalaha Xafiiska madaxdweynaha bishaas Besha caalamka ayaa laga sugayey runtii qabka aan sheegan kanaa walaalayaal waa maxay? Wakiilka waxaa uu ku yiri si Sharaf leh Madaxweynow kaa daa dilalka xaqdarrada ah dadkaaga sida xasuuqii Baydhabo.

Marka taas qab maaha ee waa qaabdaro gaamurtay oo aan qiilna loo hayn.