Qabiilada ay ka soo jeedaan Wasiirada cusub ee shalay la magacaabay

Reading Time: < 1 minute

Golaha Wasiiradda uu magacaabay MW Saciid Deni oo ka dhex abuuray dareen cusub beelaha Puntaland. Qaar ka mida wasiiraddii shalay la magacaabay ayaa durbadiiba qaar ka mida la badalay.

Wasiirada Puntland ayaa tira ahaan dhan 18 xubnood, kuwaas oo qaarkood ay yihiin Qurba joog halka musharaxiintii u tartamayey xilka madaxtinimada Puntland ay kasoo muuqdeen qaarkood liiska gollaha wasiirada cusub. Liiska wasiirada Puntland ayaa sidoo kale ku jira wasiiro ku xigeeno iyo wasiiro dowlayaal u badan dhalinyaro halka hal haween ah ay iyana ku jirto liiskani.

MOL waxa soo gaaray liiskii ugu horeeyay oo ay ku qoran yihiin qabaalida ay ka soo jeedaa wasiidada la magacaabay. MOL ma xaqiijinin wali in liisku yahay mid ka tarjumaya xaqiiqda qabaa’iilka degan Puntland.

Liiska Wasiirada iyo Qabiilada ay ka soo jeedaan:

  1. Wasiirka Maaliyada Xassan Shirre Abgaal (Beesha Ciise Maxamud/Abokor Ciise)
  2. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cawil Sheikh Xaamid (Beesha Ciise Maxamud/Muuse Ciise
  3. Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad (Cumar Maxamud/reer Mahad)
  4. Wasiirka Haweenka Ina Foodcadde (Cumar Maxamud/Reer Xirsi)
  5. Wasiirka Amniga Cabdisamad Galan (Cali Saleemaan)
  6. Wasiirka Ganacsiga Axmed Taaraan (Cismaan Maxmud/Bahdir)
  7. Wasiirka hawlaga guud Cabdiraxiin Warsame Cabdi (Jaamac Siyaad) Waxaa ku heysta Axmed Karaash rabaa Cali Sabareey oo Madaxweyne kuxigeen ka ahaa khaatumo.
  8. Wasiirka kaluumeysiga Kulan, (Beesha Cali Jibraahiil) Xildhibaan hore ee federalka ahaa.
  9. Wasiirka duulista Cabdiraxmaan Sheekh (Ugaar Saleemaan).
  10. Wasiirka Waxbarashada Prof, Cabdullaahi Xassan Dhooble (Hayaag\Dhulbahante).
  11. Wasiirka deegaanka, Beeraha iyo duurjoogta Xusseen Gabilay (Xassan Ugaas/Dhulbahante).
  12. Wasiirka la siiyey lama yaqaan Faarax Cawaashe Beeldaaje (Siwaaqroon).
  13. Wasiirka Dekeddaha iyo la dagaalanka Burcad-baddeedka Maxamud Xusseen Maxmuud Afcase. (DASHIISHE).
  14. Cabdixamiid Sheekh Axmed, Leelkase.
  15. Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Biciidyahan
  16. Wasiirka Caafimaadka Cabdixamiid , Leelkase

Liiska oo dhamystiran gadaal ayaan idinkaaga soo gudibin doonaa …