Qabanqaabada doorashada deegaanada Puntland oo si xoowli ah ku socoto

Reading Time: < 1 minute

Waxaa guud ahaan deegaanka Puntand ka socda qabanqaabada doorashada qof iyo codka ah ee loo balansan yahay inay qabsoomaan bishaan 25keeda. Shacabka Puntaland ayaa u muuqda inay ka soo horjeesteen go’aanada ka soo baxay mucaaradka Puntland ee ahaa in doorashada la joojiyo.

Agabka iyo sanaadiiqda doorashooyinka qof iyo cod ee degmooyinka Mudug iyo Buurtinle oo la mariyay jid ka baxsan laamiga dheer ayaa sida la xaqiijiyay ugu danbayntii gaaray degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

Gaadiidka sida sanaadiiqda iyo agabka doorashooyinka oo ay galbinayaan ciidamo ka tirsan dowladda ayaa laga gudbiyay jid leexsin ah oo mara dhanka Boocame iyo Karin-garfood islamarkaana laamiga Buurtinle ka gala hawdka Magacley.

Dhinaca kale ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weli fadhiya Yoocada Bixin iyo sidoo kale togga Laacdheere ee duleedka Garoowe xilli aan lagu guulaysan xallinta xiisadda siyaasadeed ee ka taagan qabsoomidda doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland.