Qaban-qaabada xuska 1da Agoosto oo ka socoto Puntland

Reading Time: < 1 minute

Waxaa dhawaan laga xusi doonaa degaanka Puntland maalintii la aas aasay dowlad goboleedka Puntland. Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxaa si xowli ah uga socda qabanqaabada  xuskaas oo ku beegan 1 August, 2019.

Dowlada Puntland ayaa wada  diyaar garowga loo sameynayo maalintaas.  Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan magacaabey guddi ka kooban gole wasiiro iyo saraakiil ciidan kuwaasoo uu Madax u yahay Wasiirka maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal.

Dabaaldaga loo sameyn doono maalintaas ayaa  waxaa ka qayb qaadan doono qaybahal kala duwan ee bulshada iyo ciidamada Puntland i kuwaas oo socod ku mari doono bartamaha magaalo madaxda maamulkaan.