Qaban qaabada doorashada Ceelwaaq oo si xoowli ah ku socota

Reading Time: < 1 minute

Wasiiro iyo Saraakiil katirsan Ciidamada DG Jubbaland ayaa maanta lagu wadaa in ay tagaan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo si ay u diyaariyaan goobta ku habboon in lagu qabto Doorashada 16ka kursi ee Garbahaarey laga wareejiyay.

Ilo ku dhaw safarka xubnahaan katirsan DG Jubbaland ayaa Mustaqbal u sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha DG Jubbaland, Saraakiil katirsan Ciidanka Daraawiishta, Nabadsugidda iyo xubno ka socda Madaxtooyada ay maanta tagayaan Ceelwaaq.

Wafdigaan ayaa gogol-xaar u ah mas’uuliyiin ay kala hoggaaminayaan Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowlad-Goboleed Siyaad Maxamed Mursal & Guddiyada FETI iyo Xalinta Khilaafaadka si loo billaabo doorashada.

Saraakiisha ka socota Madaxtooyada DG Jubbaland ayaa marka ay gaaraan Ceelwaaq waxa ay la kulmayaan maamulka Degmada, Saraakiisha ammaanka, Odoyaasha dhaqanka iyo dhinacyada ay u arkaan in ay muhiim u yihiin howsha doorashada kuraastaan ku harsan Jubbaland.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ee FEIT ayaa 14kii April 2022 xaanshi uu soosaaray ku wareejiyay deegaan-doorashada labaad ee DG Jubbaland oo ahayd Garbahaarey kana dhigay Ceelwaaq “kaddib markii maamulka hoostaga Villa Somalia uu si toos ah u diiday in guddiyada howshaan u xilsaaran ay tagaan” sida hadalka loo dhigay.