Qaban qaabada doorashada Aqalka Sare oo ka socota magaalada Jowhar

Reading Time: < 1 minute

Ammaanka magaalada Jowhar, ayaa aad loo adkeeyay halkaasi oo lagu waddo in maalmaha soo socda ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka ee ka imaanaya Hirshabeelle.

Sida ku xusan Jadwalka Doorashada Xubnaha Aqalka sare, ayaa loo asteeyay beri oo ay Taariikhdu ku beegantahay 12,September 2021, in Musharaxiinta ay hadaladooda u jeediyaan Xildhibaanada Hirshabeelle,waxii intaa ka danbeeyana waxaa la guda galidoonaa Doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Maanta oo ku beegan 11 Sep. waxaa ku eg diiwaan galinta musharaxiinta kuraasta Aalka Sare, iyadoo sanadkan doorashada Hirshabelle lagu tilmaamay doorashado furan oo ay ku tartamayaan musharaxiin dhowr ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!