Qaarka mida deegaanada Muqadishu oo heshiis la galay kooxda  Al-Shabaab

Reading Time: 2 minutes

Iyada oo kooxda Al Shabaab ay ku soo qulqulayaan magaalada Muqadishu isla markaana ay si dadban ula wareegeen lix degmo oo ka mida degmooyinka Gobolka Banadir  ayaa qaar ka mida shacabka deegaanaas waxa ay bilaabeen in ay si toos ah ula xaajoodaan kooxda Al Shabaab.

Asbuucyadii la soo dhaafay ayaa Kooxda AL Shabaab waxa ay kulamo kala duwan la qaateen odayaasha dhaqanka ee qaybo ka mida  degmooyinkaas  sida Kaxda, Garas Baaleey, Kaaraan iyo qaybo ka mida degamada Howlwadaag.  Shirarkaas ayaa waxa ka soo baxay heshiisyo ay labada dhinac si nabad ah ugu wada  noolaan karaan deeganadaas.

Qodobada lagu heshiiyay wax ka mida; in degmadooyinkaas ayan Al-Shabaab ku dilin kuna afduuban dadka ku dhaqan deeganadaas.  Sidoo kale waxa  la isla afgartay in Al-Shabaab aysan deeganadaas ka sameynin qaraxyo. Dhanka kale odoyaasha dhaqan ayaa dhankooda balan qaaday in ayan wada shaqayn la sameyn doonin dowlada iyo kooxaha la shaqeeya isla markaana ay wada shaqayn hoose la sameyn doonaan Al Shabaab.

Dadka deegaanadaas ayaa horay u bixinaayay canshuur ay si gaart ah u siiyaan maamulka AL Shabaab. Dhankooda Kooxda Al Shabaab  ayaa balan qaaday in ay sii dayn doonaan dhalinyaro ay horay uga qabteen qaar ka mida degmooyinkaas  oo ay ku jirto degmada Kaxda. Dadkaas la sii daynayo waxaa ku jira  wiil dhalinyaro ah oo bilo ka hor laga qabtay degmada Kaxda kaas oo la sheegay inuu ahaa Wariye Al-Shabaab u shaqeeya.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhowaan sheegay in la qabtay Wariye Al-shabaab uga warami jiray Muqdisho hayeeshee waxaa wiilkaas la sii daayay Todobaadkii la soo dhaafay.

Degmooyinka hoosyimaada Al Shabaab ayaan waxaan ka  dhicin dilal, qaraxyo iyo baaritaanada Ciidamada dowladda ay ka sameeyaan magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa habeenkii ka howlgali karin deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Banaadir, waxa uu maamulkoodu ku egyahay shanta galabnimo. Halka habeenkii  inta badan Muqadishu ay ka taliso kooxda AL Shabaab.

Dhabka kale Al shabaab ayaa magacaawday gudi la xaajoodo Dadka ku dhaqan deegaanadaas kuwaas oo kulamo joogta la yeesha odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku dhaqan deegaankaas.