Qaari Qarax uu ka buuxo oo yaala Wado muhiim ah oo Muqdisho ku taala

Reading Time: < 1 minute

Warar aynu helayno  ayaa waxaa ay sheegayaan in gaari looga shakisan yahay Qarax in uu yaalla wado kanid ah Wadooyinka aadka u mashquulka badan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in Gaariga oo noociisu yahay SRUF uuna yaallo inta u dhexeeysa Isgoyska shaqaalaha iyo wadada mashquulka badan ee Xaaji Baasto.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga gaar ahaa Booliska ayaa  ku hareereysan gaariga, waxaana gebi ahaan la xiray halkaas oo Ciidanka ay ka celinayan gaadiidka iyo dadka shacabka ah ee wadada Isticmaalaya.

Gaariga oo ay cidna saaryneyn ayaa looga shakisan yahay inay saaran yihiin walxaha qarxa, isla markaana waxaa hada Ciidanka amniga ay ku wadaan baaritaano kala duwa.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!