Qaar katirsan Madaxda Sare ee Xisbiga Wadani oo Maxkamada Hargeysa kasoo muuqday

Reading Time: < 1 minute

Aroortii hore ee Saakay ayaa waxaa Maxkamada Magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland lahorgeeyay Mus,uuliyiin katirsan Xisbiga Wadani waxaana  Mus,uuliyiintaa kamid ah Maxkamada lahorgeeyay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani Khadar Cabdi Xuseen &Afhayeenka Xisbiga wadani barqad Jaamac Batuun.

Markii Musuliyiintaa Maxkamada lahor geeyay ayaa Garsooorashu waxa ay Dalbadeen in waqti lasiiyo si ay baaristooda  usoo dhamaystiraan waxaana lasiiyay Afar Maalin oo dheeraard ah .

Go,aanka Maxkamada ka dib ayaa Musuuliyiintii Xisbiga Wadani dib loogu Celiyay Xabsigii markii hore laga soo kexeeyay.

Intii ay socotay Maxkamadaynta ragaan ayaa waxaa aad loo adkeeyay Amaanka Maxkamada iyo Goobaha ka agdhow.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!