Qaar kamida Nabadoonada iyo cuqaasha Gobolka Nugaal oo digniin u diray MW Dani

Reading Time: < 1 minute

Qaar kamida Nabadoonada iyo cuqaasha reer Nugaal, gaar ahaan beesha Abakor Ciise oo maanta shir ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa digniin la xiriirta kursiga aqalka sare u jeediyay madaxweynaha Puntland siciid cabdulaahi Dani.

Cuqaasha iyo nabadoonada ayaa sheegay in suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo islaan Ciise islaan Maxamed ay kursiga aqalka sare ee gobolka Nugaal u saxiixeen mudane Ibraahim  Faarax Gaas sidaasna loogu gudbiyay madaxweyne Dani.

Dhanka kale, Odayaasha ayaa madaxweynaha Puntland uga digay in uu kursiga aqalka sare siiyo cid aan ahayn Ibraahim Faarax Gaas oo beeshiisa iyo isimada gobolka Nugaal u saxiixeen xubinimada aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya.