Qaar kamida dadkii doortay Naadiya oo ka-falceliyay xafladii qabiileysnayd ee xalay

Reading Time: 2 minutes

Waxaa Magaalada Muqdisho xalay lagu qabtay xaflad oo la sheegay in lagu taageeray doorashada Naadiya Maxamed oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha magaalo ka tirsan  Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Xafladda ayaa waxaa soo abaabulay  xildhibaano  iyo wasiiro  ka soo jeedo beesha Habargedir oo lagu tuhmayo inay Naadiyo dhalasho ahaan soo jeedo.  Beesha Habargedir ayaa  xafladdii xalay ku marti-qaaday xildhibaano, wasiiro si qayb uga noqdaan xaflada qabiileysnad ee lagu taageerayay gabar Soomaaliyeed.

Gabadhaan Naadiya oo iyadaba iska fogeysay inay sheegto qabiilkeeda ayaa waxaa durbadiiba ka falceliyay shacabka degaankii laga soo doortay oo isugu jiro Soomaali iyo dad sir ahaan dadka cadaanka ah.

Muxibo Cilmi oo kamida dadka degaankas degan ayaa si ceraysan uga falcelisay xaflada qabiileysan ee loo sameeyay Nadiya Maxamed. Iyada oo careysan ayaa ay tiri, “kooxihii aanu uga soo cararnay Soomaaliya ayaa wali waxa ay naga daba-wadaan qabiilkii quranka ahaa ee dalkeena iyo dadkeena burburiyay”.

Iyada oo hadalkeeda sii wadatta ayaa ay ku dartay ” Naadiyo waa gabar Soomaali ka soo jeedo ahna Mareykan, waxa aanu ku dooranay aqoonteeda, karaamadeeda ee qabiil kuma aanan dooran.. War ilaah ka cabsada ee qurankiina la joogo Soomaaliya, dhibtiina xalista.. idinka ka xurooba qabiilka ee hana soo tarxiilina dhibtiina iyo caadifidiina qabiilka ku raran”

Dhanka kale, Xildhibaanadii ka hadlay xafladda, sida Cabdiraxmaan Odawaa iyo Qaali Shire ayaa sheegay in Naadiya ay tahay gabar ka dhalatay beesha Saleebaan ee Habargidir. Iyaga oo ku faanayo in beesha gabadha lagu tuhmayo inay ka dhalatay guushaas.

Waxaa nasiib xumo ah in dad sheeganaya aqoon iyo mas’uuliyad dowladeed ay si qabiileysan u  taageeraan gabar Soomaaliyeed, talaabooyin noocaan ah   waa kuwa sii kala fogeynayo  Soomaalida sharafta ku leh dalalka ay qaxooti u tageen. Imisa gabdhood oo Soomaali ah ayaa laga doortay Yurub iyo America, tii qabiilkooda ay ku tuhmayeen ayaa ay u dabaaldageen iyaga oo waliba haya mas’uuliyad dal iyo dad.