Qaar kamida Daacish oo lagu dilay buuraha Gobolka Bari ee Puntland

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka  Bare ee Puntland. Ciidamada Puntland ee loo yaqaan PSF ayaa sheegay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen sarkaal ajnabi ah oo ka tirsan Daacish ee ku sugan gobolka Bari Puntland.

Dhanka kale,Qoraal kooban oo ay soo saareen Ciidamada PSF ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu dilay Khaalid Jaamac Usmaa oo u dhashay waddanka Pakistan kana mid ahaa saraakiisha sare ee Daacish.

Waxa kale oo qoraalka lagu sheegay in howlglaka laga fuliyay togga Il-Cameyra ee buuraleyda Calmiskaad gobolka Bari lagu diley illaa labaatameeyo ka tirsan dagaalamayaasha Daacish.

Ciidamada PSF ayaa sheegtay inay burbiriyeen xaruntii dhexe ee Daacish ku lahayd togga Il-cameyra, halkaas oo hub iyo raashin ugu kaydsanaa.

Ma jiro warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada ciidamada Maamulka Puntland, mana jiro war ka soo baxay Daacishta ka howlgasha gobolka Bari.