Qaar kamida Ciidankii Sirdoonka Somaliland ayaa gabi ahaanba shaqo joojin sameeyaya iyaga oo ka cabanayo arimaha la xiririira hogaanka Hay’adda. Ciidaanka ayaa si xoog ah kula wareegan xarunta ciidanka.
Ciidanka gadoodka sameeyey oo tiradooda lagu sheegay inay ahaayeen 33 askari oo darajooyin kale duwan haysta ayaa lay xaqiijiyey in wasiir Maxamed Kaahin iyo Taliye Dabagale ay khiyaameeyeen markii ay ogolaadeen inay ka baxaan xeradii ay qabsadeen.
Dhawryo toban ka mid ah ciidanka ayaa hada ku xiran xarunta ciidanka birmadka ee Hargeysa halka qaar kalana baxsadeen. Saraakiil sarsare oo ka tirsan sirdoonka isla markaana la saftay ciidanka gadooday ayaa codsaday kulan deg deg ah oo ay la yeeshaan Madaxweyne Muuse Biixi.
Guud ahaan sirdoonka Somaliland ayaa dhawrayaa jawaabta uu ka bixiyo dooda ay hordhigaan saraakiishan wakiilka ka ah ciidanka gadooday.
Ma aha marki u horeeysay oo ciidankaan gadoodaan balse waa markii u horeeysay oo gadoodkaan yimaado banaanka. Sidoo kale Gadoodka ayaa ku soo aadaya yada oo Somaliland ku jirto xaalad dagaal iyo khalalaase siyaasadeed.
Ciidanka ayaa aad uga cabanaya dhaqaalihii hawlgalada loogu tala galay oo la waayey, baabuur Sucuudigu ugu deeqay hayada sirdoonka oo la raadinayo meel ay ku danbeeyeen iyo qodobo kale ayeynu warbixintaas ku soo bandhigi doonaa.