Qaar kamida ciidamada Qaranka Somaliland oo ku biiray Ciidamada SSC

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo badan oo u dhashay beelaha Dhulbahante islamarkaana ka mushahar qaadan-jiray Somaliland ayaa sida la xaqiijinayo ku biiray Ciidamada SSC ee ku sugan gudaha Laascaanood.

In ka badan 1000 askari oo ka mushahar qaadan jiray Somaliland ayaa sida xogo hoose sheegayaan maalmihii u danbeeyay ku biiray ciidamada SSC kadib markii ay shacabka la dareen noqdeen.

Ciidamadii ka amar qaadan jiray Col. Fool-hawiye ayaa intooda badan ka baxay gacantiisa waxaana la sheegay in ay dirayska baddasheen oo u galeen xoogagga SSC.

Ciidamadii Col. Mahad Canbaashe ayaa sidoo kale xoogoodu isaga baxay Somaliland marka laga reebo intii saraakiisa ahayd iyo ciidamo lagu qiyaasay ilaa 200 oo askari oo weli ku harsan xarumahoodii.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kornayl Mahad Canbaashe durba looga yeeray dhinaca magaalada Hargeysa si uu ula kulmo madaxweynaha Somaliland.